Guudmarka Mashruuca

Light rail waxuu soo gaarayaa South King County 2024

Ku soo dhawow guriga online ka furan ee fidinta Federal Way Link.

Waxaan dooneynaa in aan ku maqalno!

Light rail ka South King County wuxuu xaqiiqda ku dhow yahay in uu hirgalo. Waqti aan fogeyn, waxaad arki doontaa fidinta dhismaha Isku-xirka Federal Way Link. Sound Transit waxey dhagax dhigi dontaa mashruuca guga 2020.

Gurigan furan ee online ka ah iyo guryaha furan ee qofku soo booqoan karo waxey ku siinayaan fursadda in aad:

  • Ka dhiibato fikradaha magacyada saldhigga
  • Ka baro wax badan oo ku saabsan qandaraaslaha.
  • Eeg fikrad ahaan sawirrada saldhigyada.
  • Wax ka baro saameynta dhismaha.
  • Fahamka sida dadweynaha talooyinkooda loo qaato

Nagala soo qayb gal qof ahaan guriga u furan dadweynaha

Arbaco, Nofeember 13 // 6-8 p.m. Highline College // 2400 S. 240th St., Dhismaha 8, Des Moines, WA 98198

Khadka toosan ee King County Metro RapidRide iyo sidoo kale marinada ay ku jiraan bas lambar 121 iyo bus lambar 166 ayaa kuu geyn doona Highline College. Baaburta waxaa la dhigan karaa bariga iyo Waqooyiga baarkinka. Tilmaamaha, booqo boggan.


Arbaco, Nofeembar 20 // 6-8 p.m. Xarunta Federal Way Performing Arts Center // 31510 Pete Von Reichbauer Way S., Federal Way, WA 98003

Federal Way Performing Arts iyo Events Center (PAEC) waxey ku yaalan meel u dhow Federal Way Transit Center halkaas oo aad kala xiriiri karto basaska Metro iyo Pierce County. Baarkinka waxaa laga heli karaa PAEC. Booqo websaydhka PAEC ee tilmaamaha.


Shaqaalaha mashruuca waxay soo bandhigayaan soo jeedin gaaban 6:30 p.m. ee labada kulanba.

Guriga furan ee online wuxuu daboolayaa waxyaabo badan oo aad  ku arki laheyd qof ahaan markaad timaado guryaha furan.Si aad u qorsheysato safarkaaga kulanada iyo dhacdooyinkaan, booqo tripplanner.kingcounty.gov/ ama piercetransit.org/pierce-transit-routes/.

Dadka naafada ah waxey soo dalban karaa in ay helan wax daboolaya baahidooda, oo ay ku jiraan macluumaadka iyo qaabab kale, soo wac 1-800-201-4900 / TTY dalbo: 711 ama emayl accessibility@soundtransit.org. Si aad u codsato turjubaan, wac 1-800-823-9230.

Sound Transit waxay taageereysaa farshaxanka saldhigyada Link stations

7ba fanaaniin iyo kooxaha farshaxan ah ayaa abuuriya oo sameynaya sawiro farshaxanno isku dhafan oo kor loogu qaadayo wayaragnimada rakaabka Way Link Extension. Farshaxan yahanada soo socda waxaa xushay gudi farshaxanin ah iyo xirfadyahano, wakiillo ka kala socda magaalooyinka iyo xubnaha bulshada si ay ugu abuuraan astaamo farshaxan oo gaar u ah saldhigyada, garaashyada iyo dhismayaasha:

Intaa waxaa u dheer abuurista xirxirida joogtada ah ee barnaamijka Fidinta Farshaxanka Sound Transit Art Program,  wuxuuna la shaqeeyaa farshaxan yahannada si loo horumariyo shaqooyin ku-meelgaar ah iyo in barnaamijyada la soo bandhigi karo xarumaha saldhigga iyo bulshada inta lagu jiro dhismaha:

Sarah Kavage waxey ka shaqeysaa Federal Way Link Extension waxay sharaxeysaa oo keeneysa qorsheyasha magaalada si ay shaqadeeda ula wadaagto bulshada oo loo horumariyo fursadaha farshaxanka ku meel gaarka ah inta lagu guda jiro dhismaha.

Carina A. del Rosario waxay la shaqeyn doontaa mutacalimiinta sidii loo abuuri lahaa manhajka sayniska, tiknolagiyada, injineernimada, farshaxanka iyo xisaabta manhajka STIFX waxaa diiradda lagu saarayaa aagga adeegga. STIFX waa hannaan waxbarasho oo loo adeegsado sayniska, tikniyoolajiyadda, injineeriyada, farshaxanka iyo xisaabta si ay ardeydu fursad ugu helaan baritaanka, wada hadalka iyo fikirka oo la taxliiliyo. Carina waa aasaasaha IDEA Odyssey, ee wada jirka farshaxanda midabka leh.

Sound Transit waxey doonaysaa in ay maqasho fikradahaaga ku aadan magacyada saldhigga.

Halkan guji

Gundhigga Mashruuca

Kobcinta xulashooyinka transidka waa  koritaanka South Sound

Fidinta Sound Transit’s Federal Way Link wuxuu ku darayaa ku dhawaad sideed mayl iyo seddex saldhig cusub ee nidaamka gaadiidka gobolka. Iyada oo la adeegsanayo qaab cusub, hal qandaraasle oo ah- Kiewit Infrastructure West Co. – ayaa naqshadeyn doona isla markaana dhisi doona fidinta Sound Transit Federal Way. In badan halkan ka baro Kiewit.

Dhismahu waxuu bilaaban doona 2020. Rakaabka ayaa ku raaxeysan doona isku xirka sahlan inta u dhexeeya Northgate, Bellevue iyo wixii intaa ka dambeeya marka uu adeeggu biloowdo 2024.

Xaqiiqda Fidinta Federal Way Link

Image of La furyaa: 2024

La furyaa: 2024

Image of Dhererka

Dhererka

7.8 mayl, saddex saldhig
Image of Adeeg

Adeeg

Lix ilaa sideed daqiiqo kasta wakhtiga saxmadu badantahay
Image of Waqtiyada safarka la qorsheeyay

Waqtiyada safarka la qorsheeyay

Xarunta Federal Way Transit ilaa iyo Maddarka Seatac: 15 daqiiqo Kent / Des Moines illaa magaalada hoose ee Seattle: 42 daqiiqo
Image of Qiyaasta raacidwadaag

Qiyaasta raacidwadaag

29,000-34,000 in ay maalin kasta racaan marka la gaaro 2026

Saldhigyada cusub oo ay ku jiraan:

  • Qaabka wadooyinka oo kor u qaadi doona marin u helidda saldhigyada.
  • Halka lagu xiro Baaskiilka
  • Xiriirinta meelaha ay ku socdaan dadka lugeynaya si ay si shalan ugu lugeyn karaan
  • Iskuxirada Baska.
  • Garaashka gawaarida la dhigto.
  • Meelaha ku habboon dhigista iyo ka qaadista dadka.
  • Boorarka muujinaya naqshada Waqooyi-galbeed ee casriga ah isla markaana ka tarjumeysa mudnaanta bulshada, oo ay ku jiraan murayadaha keena iftiinka maalinta ee dabiiciga ah iyo qulqulatooyinka qotada dheer ee laga galo roobka.
  • Farshaxanka maxalliga u gaarka ah iyo kuwa waddaniga ah ee dhiirrigeliyay taariikhda aagga xarunta, deegaanka ku xeeran iyo saameynta dhaqanka.

passengers on train platform with train in station

Inta lagu jiro sanadka koowaad ee dhismaha, waxaad filan kartaa in aad aragto shaqaalaha:

  • Dumin laga xushay guryaha ay leedahay Sound Transit ee ku yaal wadada.
  • La dalooliyo meesha qalabka adeegyada yalaan si loo qiimeeyo xaaladaha ciidda.
  • Dib u dejin qalabka adeegyada, oo ay ku jiraan fiilada, telecom, biyaha iyo adeegga korontada.
  • Ka qaadista dhismayaasha, geedaha iyo dhirta si ay u gaaraan dhulka oo ugu diyaar garoobaan hagida wadada.
  • Bilaabida dhismaha tareenka fudud.
Diagram of key construction concerns: visual, noise, security, traffic detours
Walaacyada muhiimka ah inta lagu jiro dhismaha

Waxaad nala wadaagta aragtidaada anaguna waan ku dhageysaneynaa

Xubnaha bulshada ee ku nool, ka shaqeeya kuna ciyaaraya aagga mashruuca ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin mashruuca fidinta Federal Way Link. Dhamaan Saddexda saldhigba, dadweynuhu waxay mudnaanta siinayeen:

  • Iftiinka dabiici ah ee ifa.
  • Qaab dhuleedka.
  • Astaamaha bulshada u gaarka ah.
  • Baarkin dhigashada
  • Naqshad dayactir hoose oo taagnaan doonta wakhtiga tijaabada.
  • Dayactirka dhirta yar.
  • Ka ilaalinta cimilada.

Waxaad horey door muhiim ah uga qaadatay hormarka mashruuca, waana ku mahadsan tahay fikradahaaga! Sanadkii 2017 waxaan u tagnay dadweynaha si aan u helno fikrad ku saabsan sida ay u ekaan karto dareenka iyo aaga muqaalka saldhigga. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida bulshada u qaabeeyneyso halkaan

Kent / Des Moines Station

Xubnaha bulshada ayaa muujiyay xiisaha ay u qabaan nashqadeynta saldhigga kaas oo ka tarjumaya baahida bulshada ee deegaanka dabiiciga ah ee ku wareegsan Puget Sound.

Waxaan kaga jawaabnay nashqad bixin doonta marin u helida Highline College iyo xaafadaha iyo ganacsiyada ku xeeran. Saldhiggu wuxuu lahaan doonaa seddex waddo oo dhul balaaran si loo hormariyo marin u helid fudud ee lagu lugeeyo, baaskiil iyo gaadiidna lagu wadi karo. Dhismaha daarta Laba meelood oo waaweyn ayaa ka soo muuqan doona muuqaalka dhulka, fadhiga iyo farshaxanka guud. Dhismo dheeraad ah oo u dhow garaashka waxaa ku jiri doona goob fadhigeedu daboolan yahay oo bannaanka wadada loogu talagalay in gawaarida cuntada istagaan.

South 272nd Station station

Xubnaha bulshada waxay muujiyeen in ay doonayaan naqshadeynta furan iyo soo dhoweynta waxyaabo midabka doogga leh iyo ilaalinta cimilada.

Waxaan kaga jawaabnay nashqad muujineysa in garaash loo beddeli doona baarkinka hadda jira. Waxaan dib u dhisi doonnaa qayb ka mid ah South 272nd Street si loo wanaajiyo marinka gaadiidka / baska ee xarunta. Qaybaha 26th Avenue South iyo 28th Avenue South waxay yeelan doonaan meel cusub oo lagu lugeeyo oo muuqaal dhulka ah leh. Waxaan sidoo kale dhisi doonnaa wado lagu lugeeyo / baaskiil kuna geynaya wadada tageysa dhismaha daarta iyo isku xirka meelaha basku ka baxo ee hadda jira.

Federal Way Transit Center Station

Bulshada waxay codsadeen xarunta Saldhigga Federal Way Transit Center in lagu daro waxyaabaha ka socda Federal Way Performing Arts Center iyo xarunta hore ee Weyerhaeuser. Faallooyin badan waxay cadeeyeen in xarunta Saldhigga Federal Way ay tahay albaabku ugu muhiimsan ee laga galo Magaalada Federal Way.

Waxaan kaga jawaabnay nashqad soo dhaweyneysa baahiyo dheeraad ah ee gaadiidka marka uu furmo tareenka fudud. Ballaarinta garaashka babuurta la dhigto ee jira ayaa xallin doona baahida dheeraad ka ah marka la furo tareenka fudud. Wadada cusub ayaa wanaajineysa marin u helida xarunta waxayna fursad siineysaa horumarka mustaqbalka.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nashqadeynta saldhigga ka baro halkan.

La kulan qandaraas lahaaga Federal Way Link Extension

Aerial view of construction crane on a construction site of a highway bridge overpass
Mashruuca ‘Girder Set’ ee Mashruuca isku xidhka DFW

Bishii Meey 23, 2019, Guddiga Agaasimka waxey siiyeen mashruuca in ay dhisaan Kiewit Infrastructure West Co. qandaraaska, naqshadeynta iyo dhismaha Federal Way Link Extension.

Qaabka loo gudbinayo dhismaha mashruuca wuxuu macnaheedu yahay in Kiewit ay naqshadeyaan oo ay dhisi doono mashruuca, iyagoo ka bilaabaya dhismaha qaybaha qarkood inta ay sii wadayaan qeybaha kale ee mashruuca. Isku-darka qaabeynta iyo dhismuhu wuxuu siinayaa Kiewit dabacsanaan dheeraad ah si ay u noqoto mid wax ku ool ah oo ku habboon qaabeynta iyo dhismaha in ku fulisowakhtiga jadwalka mashruuca, una jawaabto daneeyayaasha iyo sida ay ku garaan yoolalka miisaaniyadeed.

Kiewit taariikh dheer ayey ku leedahay Waqooyi-galbeed, iyadoo shaqada ka biloowday gobolka Washington in ka badan 75 sano ka hor naqshadeynta iyo dhismaha qaar ka mid ah aaggaga ugu muhiimsan uguna caansan.

  • Sannadkii 1939 dawladda Mareykanku waxay qandaraas siisay Peter Kiewit and Sons (PKS) in ay dhisaan 1,540 dhismayaal, jidad iyo adeegyo, kuwaas oo asaas u ahaa Dhismaha Fort Lewis.
  • Horraantii 1940 kii, PKS waxay ka dhisatay badda dekeda iyo saldhigga Bremerton.
  • Sanadkii 1946, PKS waxay dhistay Wadada Dheer ee 99 oo loo maro California, Oregon iyo Washington.

Gobol ahaan, Kiewit waxey keentay dhowr naqshada mashruucyo ah, oo ay ku jiraan:

  • SR 520 Evergreen Point iyo buundada dusha ka furan ee ku geyneysa Bellevue.
  • Buundada Tacoma Narrows Bridge.
  • T-Mobile Field (horena loo yaqaan ‘Safeco Field’) iyo dhinaca ku xiga SR 519 Intermodal Access Phase 2.
Kiewit Infrastructure West Co.

Kiewit’s dhawaan waxey sii wadeysaa in ka sii shaqeyso dhamaan nawaaxiga Puget Sound waxay muujineysaa in guushooda dhismaha mashaariicda madaniga ah ee culus ay buuxiyeen shuruudaha mashruuca. In ka badan 100 shaqaale degaanka ah, oo isku celcelis ahaan u qof kata leeyahay 15 sano ah khibrad, kooxda maamulka Kiewit iyo shaqaalaha farsamada gacanta waxey yahiin kuwa khibrad leh, si fiican oo buuxda ayey u heellan yihiin mashruuca Federal Way Link Extension. Kiewit waxay mashruca ku maareyneyaan qalab cayiman iyo agabyo loo xilsaaray xafiiska maxalliga ah ee Federal Way, meel ka durugsan albaabka hore ee mashruuca.

Ku Saabsan Saldhigyada

Saddex saldhig oo cusub – waxey kordhineysaa xulashooyinka Taransidka South King County

Kent / Des Moines

Kor u qaadista saldhigga Kent / Des Moines ayaa sahli doona marin u helidda Highline College iyo agagaaraha meheradaha ku xeeran. Saldhiggu wuxuu lahaan doonaa seddex waddo ee dhul balaaran si loo hormariyo marin u helid fudud ee baaskiilka iyo gaadiid iyo meel lagu lugeeyo. Laba meelood oo waaweyn dhismaha daarta ayaa ka soo muuqan doona muuqaalka dhulka, fadhiga iyo farshaxanka guud. Dhismo dheeraad ah oo u dhow garaashka waxaa ku jiri doona goob fadhigeedu daboolan yahay oo bannaanka wadada loogu talagalay in gawaarida cuntada istagaan.

Kent Des Moines site plan showing station, parking garage, and construction area.

Kent Des Moines Station Area Site Plan

Nawaxiga Saldhigga Kent / Des Moines

Norman Lee iyo Shane Allbritton waxey joogan goobta Studiyaha waxayna horumarinayaan farshaxanka Xarunta Kent/Des Moines station. Farshaxan yahano ahaan, waxay sawiraan muuqaalka dhaqanka ee goobta si ay u soo saaraan sheeko nuxur leh oo macna u sameyneysa dadka degaanka, laakiin sidoo kale waxey beddelaan oo wareejiyaan wixii la yaqaan. Shaqadooda waxay ku saabsan tahay sameynta xirriirka u dhexeeya mawduucyada iyo fikradaha aan sida caadiga ugu muuqan in aan wax xiriir ah a laheyn, laakiin, run ahaantii, waxay leeyihiin dib-u-eegis qoto dheer. Fikradooda Saldhigga Kent/Des Moines Station waxuu muujinayaan oo saadaalinayaa isdhaafsiga sheekoyin u dhaxaysa dhaqamada kala duwan ee Kent iyo Des Moines iyo quruxda dabiiciga ah ee ku xeeran bulshooyinkaan.

Nawaxiga Saldhigga Kent / Des Moines

Farshaxan yahan Michelle de la Vega waxay sameyneysaa farshaxan loogu tala galay banaanka hore ee garaashka Kent / Des Moines. Michelle waxaa soo jiidatay oo dhiirigaliyey shaqadeedii qibradeeda gaarka ah ee qoob-ka-ciyaarka iyo farshaxanka muuqaalka, howlaheedana waxaa ka mid ah naqshadeynta jawiga deegaanka. Waxay sameyneysaa sawir la qoray ee lagu sameeynayo dhismaha geedka qoyska oo ay alifeen xubnaha bulshada Kent ka mid ah. Waxey muujinayaan waxyaabo dhaxalgal ah. Sawirradan ayaa sameynya luqad astaan u ah oo ka koobnaan doonta farshaxanka darbiyada, oo uu ka dhex muuqan doona qaab guri u eg.

Kent / Des Moines and South 272nd Wadada Garaashka

Farshaxan yahan Christopher Paul Jordan ayaa ku sameynay farshaxanno garaashyada Kent / Des Moines iyo Star Lake Station. Sida farshaxan yahanadu u jecel yahiin sinaanta, Chris wuxuu doonayaa in uu xoojiyo niyada bulshada iyo lahaanshaha muuqaalka dhulka. Wuxuu rumeysan yahay in dhulka guud uu qeexayo xiriirka aan la leenahay adduunka, iyo in aysan jirin meel ka wanaagsan oo dadka loo abuuray.

Nawaaxiga South 272nd Street station

Waxuu ku yalaa goobta hadda jirta ee Star Lake Park-and-Ride, ee South 272nd Station waxay leedahay garaash loo baddali doona baarkinka. Waxaan dib u dhisi doonnaa qayb ka mid ah South 272nd Street si loo wanaajiyo marinka gaadiidka / baska ee xarunta. Qaybaha 26th Avenue South iyo 28th Avenue South waxay yeelan doonaan meelo cusub oo dhul lugu lugeeyo leh. Waxaan sidoo kale dhisi doonnaa wado lugu lugeeyo oo baaskiilka geyney dhsimaha saldhiga oo isku xirta meelaha basku ka baxo ee hadda jira.

Site plan showing tracks, station and parking garage

Star Lake Station Area Site Plan

Nawaaxiga South 272nd Street station

Tory iyo Eroyn Franklin waxay farshaxan ku sameynayaan Xarunta Star Lake. Labadan farshaxan yahan ayaa labada dhinac ka wada qabanaya hoosha iyagoo mid kasta shaqo gaar ah qabanayo, waxayna isku darayaan majaajillo, masawiro iyo isku xir-xirid joogtada ah, taas oo keeneysa qaab ay shaqadooda sheeko ahaan ku soo gudbiyaan. Dhanka Star Lake, waxay adeegsanayaan sawirada dhirta la cuni si ay uga daydaan taariikhda beeraha Kent, dabeecadda tirada badan ee ka jirta Kent, kala duwanaanshaha magaalada iyo dadkeed u dhashay oo ah Native American ka.

Nawaxiga Saldhiga Federal Way Transit Center Station

Xarunta Federal Way Transit Center waxey kor u qaadeysa nawaaxiga saldhiga Federal Way Transit Center oo hadda u adeega dhowr heyadood oo kal ah Sound Transit, King County Metro iyo Pierce Transit. Ballaarinta garaashka la dhigto babuurta ee hada jira ayaa xallin doona baahida dheeraad ka ah marka la furo tareenka fudud. Wadada cusub ayaa wanaajineysa marin u helida xarunta waxayna fursad siineysaa horumarka mustaqbalka.

Site plan showing parking garage extension and construction staging area

Federal Way Transit Center Station Area Site Plan

Federal Way Transit Center station area

Farshaxan yahan Catherine Widgery ayaa waxey ku smaeyneysa shaqo farshaxan   Federal Way Transit Center Station. Catherine waxaa loo aqoonsaday in ay tahay qof hibo gaar ah u leh abuurista farshaxanka goobaha caamka ah, kuna guuleysato abaalmarino badan shaqadeeda waxeyna ku sameysay in ka badan 40 gobood sawiro gaar ah mudadada ay shaqeyneysay. Catherine hadafkeeda farshaxan Federal Way Station waa in loo badalo barxadda gudaha ee xarunta qaab ifaya oo isdhaxgal leh, iyo midab khafiif ah oo muuqaal ah kaas oo xoojinaya dhererka iyo laxanka dhismayaasha, kana tarjumaya agagaarka iyo naqshada xarunta gudaheeda.

Federal Way Station Plaza

Farshaxan yahan Donald Lipski wuxuu sameyn doonaa farshaxan loogu talagalay dhismaha xarunta Federal Transit Center Station. Donald wuxuu ku dadaalayaa in uu abuuro farshaxan fir fircoon, fikir, lagu mashquulo oo farxad leh. Wuxuu rumeysan yahay sawirada la qoro in ay dadka yaab gelinayaan oo dhiirrigelinayan wada-hadalka iyo kobcinta farxadda, ayagoo haysta ​​fursadda ugu wanaagsan ee ay uga hor tegi karaan waqtiga tijaabada, runtiina, noqdaan astaan ​​muhiim u ah bulshada. Donald wuxuu waqti badan galiyey gugii hore Federal Way wuxuuna helay dareenka magaalada isagoo da ‘yar, muhiimad kala duwan oo leh shaqsiyad isaga u gaar ah, oo taariikh iyo fursado leh. Waa uu ku faraxsan in uu qayb ka noqdo loollanka.

Garaashka Federal Way Transit Center Station:

Christine Ngyuen waa farshaxan yahan waxeyna farshaxan ku sameyn doontaa Garaashka Federal Way Transit Center. Waxay sawirtaa dabeecadaha wax soo jiita, cilmiga iyo cosmos-ka, laakiin shaqadeeda ayaa ka fog qaababka caadiga ah ee matalaya aagaggan. Xagaagii hore, Christine waxay gelisay Federal Way sahminta meelaha dabiiciga ah ee maxalliga ah, oo ay ku jiraan Dash Point Beach iyo West Hylebos Wetlands Park. Waxay ka shaqaysaa Pacific Bonsai Museum.  Sawirkeedu waxuu ku saleysan yahay, oo lagu soo bandhigi doono dhinaca galbeed ee garaashka gawaarida la dhigto, ayado dhiirrigelin ka heshay aagagga dabiiciga ee Federal Way, taas oo la mid ah tan ka muuqata soo gudbinta.

Ma waxaad dooneysaa in aad magacyo u bixsid saldhigga

Magaceed u bixinaa saldhigyada?

Tani waa fursad aad ugu magic dari laheyd saddexda saldhig ee cusub ee Federal Way Link Extension. Rayigaagu waxuu qayb muhiim ah ka yahay nidaamka magcaabixinta Sound Transit’s station. Baro wax ku saabsan nidaamka magacaabida xarunta iyo nidaamka.

  • Ogoow in basas iyo tareenba laga heli doono dhammaan saldhigyada. Fadlan xulo dhammaan kuwa kugu habboon.
  • This field is for validation purposes and should be left unchanged.

About the station naming policy and process

Goobaha Sound Transit, oo ay ku jiraan saldhigyada, waa isku xirka u dhexeeya howlaheenna iyo bulshooyinka aan u adeegno. Waa muhiim in magacyada saldhiga Sound Transit ay matalaan xaafadaha iyo meelaha la aadayo.

Sound Transit wuxuu marayaa sedex marxaldood marka magaca la siinayo saldhiga.

Marka hore, waxaanu maraynaa hanaan gudaheena ah si loo garto oo loo qiimeeyo magacyada suuragalka ah oo ku saleysan shuruudaha soo socda. Waxaan dhameystirayna howsha mashruucan horaantii sanadkaan. Magacyada waa in ay:

  • Muujiyan dabeecadda deegaanka: xaafadaha, magacyada dariiqyada, astaamaha dhulka iyo meelaha juqraafiyeed.
  • Noqo mid si dhib yar oo fudud u akhriya una xusuusta.
  • U hoggaansanida qawaaniinta iyo shuruudaha Sharciga Naafada Mareykanka.
  • Waa in aanu ka badnaan 30 xaraf.
  • Ka fogow tixraacyada ganacsi.
  • Ka fogow magacyada ama ereyada la mid ka ah magacyada saldhigga Tareenka ee jira. (Tusaale ahaan Xarunta Kent).

Marka labaad, waxaan xog ka soo uruurineynaa talo soo jeedinta dadweynaha. Waxaan u tageynaa dadweynaha si aan uga helno magacyo suuragal ah bilowga wejiga hore ee naqshadeynta. Halkani waa meeshaad ku talada kaga dhiibaneyso magaca!

Marka saddexaad, oo ah kan ugu dambeeya, Golaha Sound Transit Gaadiidka waxey tixgalinayaan ra’yiga dadweynaha waxeyna gaarayaan go’aanka ugu dambeeya ee magacyada saldhigga loo bixinayo.

Waxaan rajeyneynaa in goluhu uu go’aan ka gaari doono magacyada saldhigga sanadka 2020. Hubso in aad iska diiwaangalisay warsideheenna si aad ula sii socoto horumarka ugu dambeeyay ee mashruuca.

Halkan guji si aad magacyo ugu bixiso saldhigga.

Maxaa xiga?

Dhawaan waxaan bilaabmi doonnaa shaqo ka horeysa dhismaha isku xirka Federal Wal Link Extension. Tan waxaa ka mid ah dib u raridda agbka yutiilitiga iyo duminta dhismayaasha iyo dhismayaasha kale ee wadada ku yaala.

Sound Transit wuxuu la shaqeeyaa xubnaha bulshada inta lagu guda jiro dhismaha. Waxbadan ka baro wixii ku saabsan ballan qaadkeena wanaagsan ee deriska hakan.

Fursado dheeri ah oo lagu miisaami karo safarka South Sound

Sound Transit waxey ka shaqeynaya sidii loo fidin lahaa tareenka fudud Tacoma.

Tacoma Dome Link Extension wuxuu fidin doonaa nidaamka tareenka ee gobolka qiyaastii 10 mayl inta u dhaxaysa Federal Way iyo Tacoma, oo loo qorsheeyay in la furo 2030. Mashruucan waxaa ku jira afar saldhig tareen oo cusub oo ku yaal South Federal Way, Fife, bari Tacoma iyo nawaaxiga Tacoma Dome.

Waxaan sidoo kale darasadeyneynaa seddex goobood oo loogu talagalay Hawlgallada iyo Dayactirka Xarunta oo laga heli doono South King County, lana qorsheeynayo in la furo 2026. Xarunta Hawlgallada iyo Dayactirka Koofurta waxay muhiim u tahay sii socodka nidaamka tareenka in uu sii kordho. Waxay abuuri doontaa ku dhawaad 300 oo shaqooyin leh mushahar lagu nolaan karo ah ee South King County. Booqo bartan si aad waxbadan uga ogaatid mashruucyadan oo uga qeybgal online ka guriga furan ee Tacoma Dome Link Extension iyo Operations and South Maintenance Facility.

Train on elevated guideway

Balanqaadkeena bulshada

Hadafka Wacyigelinta Bulshada ee Sound Transit’s waa in uu matalaa danaha Sound Transit ee bulshada dhexdeeda, iyo danaha bulshada ay ka leedahay Sound Transit.

Intii lagu guda jiro dhismaha, waxey shaqadeenu tahay in aan ku wargalinno xubnaha bulshada dhismaha iyo horumarka mashruuca.

Annaga ayaa ah cida aad kala soconeysid mashruuca Sound Transit. Waxaan sii wadi doonnaa in aan u qabano kulana dadka degaanka si aan ula socodsiino inta dhismahu socdo waxii soo korhda. Waxaad weydiisan kartaa warbixin kooban deriskaaga, kooxdaada ama ganacsiga adoo la xiriiraya:

JEFFERSON ROSE
Khabiirka Wacyigelinta Bulshada
(206) 370-5568
fwle@soundtransit.org

Balanqaadyada deriska wanaagasan
  • Horey u soo qadin wargelin ku saabsan howlaha shaqada
  • Joogtaynta ganacsiga iyo Marin u helida.
  • Joogtaynta goob shaqo oo nadiif ah.
  • Yareeynta dhawaqa, boorka iyo qashinka.
  • Bixinta calaamadaha tilmaanta.
  • Joogtee khadka tooska ah ee 24-saac taleefanka (1-888-298-2395)